Waasrada Deeganka iyo Isbedelka Ciimilada KGS ayaa magaalada Baydhabo ku daah furtey tababar ku saabsan xuquuqda deegaan nadiif ah, caafimaad qaba oo waara ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaana Tababarka loo qabtey Wasaaradda ha bahwadaagta yihin wasaaradda Deengan ka ,Ardada Jamacadaha dhigata iyo ururada Bulshada Rayid ka iyo qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Baydhabo .
Tababar ka waxaa furey Agasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedel ka Cimilada KGS Mudane Aden Abdullahi Senior wuxuuna kala dardaarmay sida ay muhiim uga tahay in la helo deegan cafimaf qaba oo nadiif ah si Bulshada u noqoto mid xogogaal u ah faa’idada uu leeyahay deegaan wanagsan ka na hortagan dhibaata iyo saameynta ku yeelan karto guud ahan Dalkeena iyo sidii bulshada ay ugu qeyb qaadan lahayd ilaalinta Deeganka .