Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Koonfur Galbeed oo Hawlo Shaqo u Jooga Dalka Talyaaniga ayaa heshiis Istiraatiijyada ee wax wada qabsi kula galay Magaalada Milano, Dalka Talyaaniga Madaxa Shirkadda Aeromatic3D Mr Paolo Marras (CEO) ee Soo saarta Dayaaradaha Daroonka oo loo adeegsado in lagu abuuro miraha dhirta iyo abuurka Beeraha.
Labada dhinac waxay isku afgarteen in khubarada Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada KGS la siiyo Tababar aqoon kororsi ah si loo adeegsado Teknoolojiyadda cusub si loo yareeyo caqabadaha ka dhasha Isbedelka cimilada iyo sidii loo yareyn lahaa nabaadguurka ku dhaca dhulka.
Waxay kaloo isku afgarteen in la balaariyo iskaashiga sida dhinacyada Beeraha, Biyaha iyo Maareynta Masiibooyinka.
Sidoo kale in laga wada Shaqeeyo dhinaca Cilmi baarista la xiriirta Xaalufka deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celiyey Madaxa Shirkadda Aeromatic3D.